Tuesday, February 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay afar dhamaadka tartanka (Semifinal)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay afar dhamaadka tartanka (Semifinal)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Saddexaad kulankiisa 3-aad ku tartamay Degmooyinka Laascaanood iyo Caabudwaaq oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Sool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Laascaanood iyo Caabudwaaq ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026
Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

February 10, 2026

Laascaanood

Tartameyaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Caabudwaaq,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Laascaanood ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Caabudwaaq

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Laascaanood, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Caabudwaaq waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 27-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 25-aad ee tartanka waxaa ku baratami doona degmooyinka Xarardheere iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Sanaag.

Previous Post

Gaalkacyo oo laga daahfuray Munaasabad lagu ciidsiinayo carruurta Aabayashood ku shahiideen Dagaalkii Khawaarijta ee Gobalka Mudug

Next Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo boggaadiyay Xarunta daryeelka Carruurta qaba Autismka ee Mustaqbal 

Next Post
Wasiirka Caafimaadka XFS oo boggaadiyay Xarunta daryeelka Carruurta qaba Autismka ee Mustaqbal 

Wasiirka Caafimaadka XFS oo boggaadiyay Xarunta daryeelka Carruurta qaba Autismka ee Mustaqbal 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

February 10, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir...

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

February 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali has arrived in Addis Ababa to participate in the...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Terminal cusub oo garoonka laga hirgeliyay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Terminal cusub oo garoonka laga hirgeliyay

February 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Terminaalka cusub ee Arimas, oo laga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In