Friday, June 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudubtay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka (Final) “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudubtay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka (Final) “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga afar dhamaadka (Semifinal) ku tartamay Degmooyinka Xarardheere iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Sool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Xarardheere iyo Laascaanood ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026

Xarardheere

Tartameyaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Laascaanood,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xarardheere ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Laascaanood

Tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Xarardheere, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Laascaanood waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 30-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 28-aad ee tartanka waxaa ku baratami doona degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Mudug oo ka wada tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

Previous Post

Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysanayaal dad dilay

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Safiirka Turkiga uga tacsiyadeeyay muwaadin lagu dilay dalka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Safiirka Turkiga uga tacsiyadeeyay muwaadin lagu dilay dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Safiirka Turkiga uga tacsiyadeeyay muwaadin lagu dilay dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusay 66 sano...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

June 23, 2026
0

Muqdisho, 23 June, 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa...

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

June 23, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay colaadda ka socota deegaanka Aricadeeye, taas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In