Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Galmudug Mudane Maxamed Cali Cantoobo ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kulan miro dhal ah kula qaatay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hogaaminaye Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Deegaanka iyo Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway.
Xubnaha wafdiga Qaramada Midoobay waxaa ka mid ahaa wakiilo ka kala socday Xafiiska La-taliyaha Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Xal-u-helida Barakacayaasha Adduunka, Xafiiska Xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee Arimaha Beni’aadannimada ee Soomaaliya, Xafiiska UN-Habitat ee Soomaaliya, UNDP, UNICEF, UNHCR iyo IOM.
Kulan-kaan oo ay soo qaban-qaabisay Waaxda Yareynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowlada Federaalka Sooomaaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq iyo Guddoomiyaha Ku-xigeenada Degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xal-u-helidda arimaha barakacayaasha ee ku nool deegaannada hoos yimaada Maamulka Galmudug iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee dhinaha caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo faya-dhowrka.
Labada dhinac ayaa isku afgartay in la mideeyo daddaalada ku aadan in bulshooyinka barakaca ah loo helo xal waara iyadoo Dowlad Goboleedka Galmudug ay balanqaaday in ay kaalinteedu qaadaneysay iyada oo barakacayaasha siinayso dhul halka Qaramada Midoobay uu dowrkeeda yahay dhisidda hooy wanaagsan si waafaqsan wadiiqooyinka horumarka xalka waara iyo midka caalamiga ah ee lagu doonayo in hal malyuun oo barakacayaal Soomaali ah laga saaro xaaladda barakaca labo sano gudahood.
Dhinaca kale, Wasaaradda Qorsheynta Galmudug oo ay wehliso Wasaaradda Qorsheynta Qaran iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa kulan wadajir ah la qaatay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Degmada Caabud-Waaq, Gudoomiye Ku-xigeenada Degmooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, iyo Gaalkacyo kuwaasi oo magaalada Dhuusamareeb u jooga ka qeybgalka Aqoon iswaydaarsiga ku saabsan dejinta Qorshe Hawleedka Xalka Waara oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo kaashaneysa Wasaarada Qorsheynta Dowlad-goboleedka Galmudug. Kulanka ayaa looga hadlay caqabadaha ay wajahayaan barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa madaama magaalooyinkan ay yihiin kuwa ugu badan ee martigeliya barakacayaasha.
Wafdiga ayaa booqday xerada barakacayaasha ee Arlaadi oo ku taala duleedka magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay kula kulmeen qaar ka mid qoysaska barakacayaasha ah oo badankooda ka soo barakacay gobolada dalka halkaasi oo ay ku dhufteen cola ado iyo musoobooyin dabiici ah sida abaaraha, daadadka iyo isbedelka cimiladda. Barakacayaasha ayaa uga warbixiyay wafdiga xaaladda ay hada ku nool yihiin iyo baahida ay u qabaan adeegyada aasaasiga ah sida xarun caafimaad, goob waxbarasho, biyo ku filan , fayo dhowr, hooy, iyo shaqo abuur gaarsiin karto isku filnaasho iyadoo wafdiga ay balan qaadeen in baahidooda wax laga qaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan.
Ugu danbayntii, waxaa la soo gabagabeeyay Aqoon Iswaydaarsiga ku saabsan dejinta Qorshe Hawleedka Xalka Waara oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo kaashanaysa Wasaaradda Qorsheynta Galmudug, waxaana khudbado ka jeediyay Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Axmed Cali Maxamed (Cantoobo), Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha aramada Midoobay ee Arrimaha Deegaanka iyo Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway, iyo Agaasimaha Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Marwo Zahra Cabdi Maxamed, iyadoo sidoo kale hadalo bogaadin iyo mahadnaq isugu jiray ay ka jeediyeen shirka Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq iyo Gudoomiyaha Ku-xigeenada Degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb..