Sunday, December 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumadda #DanQaran dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.

Related posts

Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Oo Maanta Lagu Dhawaaqi Doono

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Ee Gobolka Banaadir

December 28, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Qorshaha Ka Dambeeya Aqoonsiga Israa’iil Ee Soomaaliland

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Qorshaha Ka Dambeeya Aqoonsiga Israa’iil Ee Soomaaliland

December 28, 2025

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka, isaga oo xusay in fursadaha jira ay sii dhiirigelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, Tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka soo qeyb galeen ganacsato ka socotay waddamada Bariga Afrika, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u baahan in lagu sameeyo maalgelin, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.





Previous Post

Wasiirka amniga gudaha XFS oo shir guddoomiyay wajiga labaad Marshuurca horumarinta Boliiska Soomaaliyeed

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Suldaan Axmed Rashiid

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Suldaan Axmed Rashiid

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Suldaan Axmed Rashiid

Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Oo Maanta Lagu Dhawaaqi Doono

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Ee Gobolka Banaadir

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay warbixinta natiijada doorashadii golayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir....

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Qorshaha Ka Dambeeya Aqoonsiga Israa’iil Ee Soomaaliland

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Qorshaha Ka Dambeeya Aqoonsiga Israa’iil Ee Soomaaliland

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo la hadlay Telefishinka Al-Jasiira ayaa sheegay in Israa'iil ay doonayso...

Dowladda Suuriya Oo Si Kulul U Cambaaraysay Israa’iill

Dowladda Suuriya Oo Si Kulul U Cambaaraysay Israa’iill

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya ayaa si kulul u cambaareysay kuna gacan sayrtay aqoonsiga dhex maray Israa’iil iyo Somaliland,...

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, Midowga Jasiiradaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In