Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Kenya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Kenya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya, ayaa diiradda lagu saaray sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto khibradda maamulka doorashada ee guddiga.

Qorshaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ah in dalkeenna laga hirgaliyo doorasho dad weyne oo xor ah, si bulshadda dib loogu celinayo talada, ayna u soo doortaan hoggaanka dalka.

Related posts

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto socdaal isbeddel, uuna rajeynayo in la xoojiyo geeddi-socodka dimoqraadiyadeed, madaama dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyay, baarlmaankuna ay meel mariyeen cutubyo muhiim ah oo ay qeyb ka tahay hannaanka doorasho ee dalka, taas oo ah tallaabo muhiim u ah dhanka dimoqraadiyadda dalka.

“Waxaan maanta halkan u joognaa inaan wax badan ka ogaanno siyaasadaha, nidaamyada, hababka iyo qalabka lagama maarmaanka u ah in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo guuleysta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa ayaa xusay hannaanka loo maro doorashada Kenya, iyada oo la isticmaalayo hababka casriga ah ay horseedeen qabsoomidda doorasho caddaalad ah, taas oo Soomaaliya u ah casharo ay tahay in ay ka dheegato, hab maamulka doorasho ee Kenya.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey guddiga soo dhaweynta iyo warbixinta ay siiyeen, isaga oo tilmaamay in gudaha dalka ay ku casuumi doonaan xubnaha guddiga doorashooyinka Kenya, si casharo ay uga bartaan guddiyada ka shaqeyn doona doorashada dalkeenna.

Previous Post

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayah QM Raisedon Zenenga

Next Post

Wasiir Biixi “27 Milyan oo koror ah ayuu sameeyay dakhliga dowladda 4-tii bil ee la soo dhaafay”

Next Post
Wasiir Biixi “27 Milyan oo koror ah ayuu sameeyay dakhliga dowladda 4-tii bil ee la soo dhaafay”

Wasiir Biixi “27 Milyan oo koror ah ayuu sameeyay dakhliga dowladda 4-tii bil ee la soo dhaafay”

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In