Saturday, August 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ku booriyay qurba joogta Soomaaliyeed inay maalgashadaan dalkooda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 11, 2024
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ku booriyay qurba joogta Soomaaliyeed inay maalgashadaan dalkooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuymadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadal uu ka jeediyay Isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay maanta Caasimadda Muqdisho, oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, baarlamaanka iyo maalgeshato qurbo-joog ah, ayaa sheegay in qurbo-joogtu yihiin halbowlaha nololeed ee qoysas badan iyo laf-dhabarka dib u noolaynta dhaqaalaha Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Bankiga Caalamiga ee Soomaaliya (IBS) maalgelinta munaasabadda iyo wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbo-joogta ee Wasaaradda, isagoo farta ku fiiqay muhiimadda ay leedahay ka faa’iiidaysiga khibradaha iyo maalgeshiga qurbo-joogta si Soomaaliya u gaarto horumar iyo barwaaqo. Wuxuu caddeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay fursado maalgashi oo baaxad leh u bixin lahayd, isla markaana ay u sugi lahayd ammaanka maalgashadayaasha qurba-joogta.

Related posts

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025

Wasiir Fiqi oo ka hadlayay saameynta dhaqaale ee ay leeyihiin lacagaha qurba-joogta ah ee xawaaladaha la soo mariyo ayaa xusay inay kaalin mug leh ka geysanayaan dhaqaaqa dhaqaalaha dalka, wuxuuna ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Soomaaliya uga tarjumeen, magac iyo maamuusna uga soo jiideen bulshooyinka ay la noolyihiin, taasi oo ay ugu wacantahay suubanida akhlaaqdooda iyo hab-dhaqankooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Sare ee Bankiga IBS, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame, ayaa hadal uu ka jeediyay sku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed, waxa uu ka sheegay in bankiga IBS u diyaar yahay dhiirrigelinta qurbo-joogta si dalka ay dib ugu soo noqdaan, una maalgeshtaan, isaga oo daaha ka rogay in Qurba-joogta Soomaaliyeed ay kaalin muuqata oo maalgeshiyo kala duwan ku leeyihiin Imaaradda Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, dhowr magaalo oo Turkiga ah iyo sidoo kale Caasimadda Kenya ee Nairobi , isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in maalgeshigooda u soo jiheeyaan dalkooda Soomaaliya, bangiguna diyaar u yahay inuu rumeeyo hiigsigooda iyo riyadooda maalgeshi oo guulaysata




Previous Post

Hay’adda SoDMA oo shixnado gargaar kala wareegtay Maamulka Isbitaalka Madiina

Next Post

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo Muqdisho ku qabatay banbaxa diyaarinta istaaratiijiyadda bahda Cadaaladda

Next Post
Wasaaradda Cadaaladda XFS oo Muqdisho ku qabatay banbaxa diyaarinta istaaratiijiyadda bahda Cadaaladda

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo Muqdisho ku qabatay banbaxa diyaarinta istaaratiijiyadda bahda Cadaaladda

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda...

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

August 22, 2025
0

Munaasabad lagu daahfuray Buugga lagu magacaabo Dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, Waxaana ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In