Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo ka qeybgalay Xaflad ay ku Qalin badasheen Arday Soomaaliyeed 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo ka qeybgalay Xaflad ay ku Qalin badasheen Arday Soomaaliyeed 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa xarunta murtida Iyo Wacyigelinta uga qeyb galay xaflad ay ku qalin bedelanayeen Dufacadii 12-aad ee Bachelor Degree Iyo Dufcadii 6-aad ee Master Degree, kuwaas oo ka qalin bedeshay jaamacadaha Green Hope University Iyo Kesmonds University.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo xaflada khudbad ka jeediyay, ayaa marka hore u hambalyeeyay Ardayda qalin bedelenaysay, waxa uuna ku amaanay dadaalkii Iyo dulqaadkii ay muujiyeen muddadii ay halganka Waxbarashada ku jireen.

Related posts

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026

Sidoo kale Guddoomiyaha, ayaa waalidiinta, Ardayda, Macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda ku amaanay juhdigii Iyo dadaalkii hagar la’aaneed ee ay Ardayda Soomaaliyeed geliyaan, ” Waxaan Ardayda qalin bedelatay kula dardaarmayaa in ay dadaalkooda sii laba jibaaraan islamarkaana Aqoontooda ugu adeegaan dadka Iyo dalka Soomaaliyeed oo ay sii hormariyaan Naftooda Waxbarashada ma dhammaato”.

Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ayaa bahda waxbarashada kula dardaarmay in ay caawiyaan waalidiinta aanan awoodin waxbarashada carruurtooda, si u badka Soomaaliyeed ay Waxbarasho u helaan.


 

Previous Post

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo gaaray Dagmada Maxaas

Next Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 

Next Post
Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In