Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray tababar ku saabsan ka hortagga wararka been abuurka ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray tababar ku saabsan ka hortagga wararka been abuurka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daauud Aweys Jaamaca ayaa soo xiray tababar ku saabsan ka hortagga wararka been abuurka ah kaasi oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Siminaarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Warfaafinta iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeybalay 21 suxufi oo ka kala socotay Warbaahinta Qaranka, Gobolka Banaadir iyo Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay, waxaana ka qeybgalay qaar ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Tababarkan oo socday muddo labo cisho ah ayaa waxaa bixinayay quburo ka socotay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Turkiga, kaasi oo ku saabsanaa ka hortagga wararka been abuurka ah iyo jiheynta afkaaraha bulshada, iyadoo sidoo kale ay ka qeybgaleen xubno ka socotay Waaxda Teknoloojiyadda ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ka qeygalayaasha siminaarka ayaa sheegay in ay wax badan ka faa’iideysteen, ayna diyaar u yihiin sidii ay bulshada ku heli lahayd warar sax ah.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Alper Aktas oo madasha ka hadlay ayaa sheegay Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhinacyo badan leh, ayna diyaar u yihiin garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daauud Aweys Jaamaca oo soo xiray tababarka, isla markaana u mahadceliyya madaxda Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in ujeedka siminaarka uu yahay sidii bulshada ay ku heli lahayd warar sax ah, isla markaana laga hortego wararka been abuurka ah.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ka qeygalayaasha kula dardaarmay in aqoonta ay kororsadeen ay ku dabaqaan howlaha ay bulshada u hayaan, si shacabka ay u helaan warar sugan oo ka reeban been abuurka, Wasaaradduna ay door ka qaadaneyso siidii bulshada loogu jiheyn lahaa wararka horumarka ka turjumaya.

Ugu dambeyn ka qeybgalayaasha ayaa la guddoonsiiyay shahaado ka turjumeysa aqoonta ay kororsadeen.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay James Swan

Next Post

Hay’adda SoDMA oo gaadiid sida shixnado gargaar u dirtay Ruunirgood

Next Post
Hay’adda SoDMA oo gaadiid sida shixnado gargaar u dirtay Ruunirgood

Hay’adda SoDMA oo gaadiid sida shixnado gargaar u dirtay Ruunirgood

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In