Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DF oo Ceel-biyood iyo adeegyo kale oo Bulsho ka hirgelisay deegaan laga xoreeyay Khawaarijta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
1 year ago
in Wararka
0
DF oo Ceel-biyood iyo adeegyo kale oo Bulsho ka hirgelisay deegaan laga xoreeyay Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ceel biyood iyo adeegyada kale ee bulshada ah ka hirgelisay deegaanka Waab-weyn ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah goobihii laga xoreeyay Khawaarijta.
Waab-weyn haddii ay beri ahaan jirtay Biyo la’aan hadda waa-cusub ayaa u baryay ka dib markii ay dowladda ka hirgelisay ceel biyo nadiif ah, goobo waxbarasho iyo caafimaad, maddaama kooxda Khawaarijta Al-shabaab ay nolosha u diideen dadka shacabka ah ee deegaankaas ku dhaqan, waxayna dadka deegaanka markii hore biyaha u doonan jireen meel 70-km u jirta deegaanka ay ku dhaqan yihiin.
Waxgaradka iyo mas’uuliyiin ka tirsan deegaanka Waab-weyn ee gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta Qaranka uga waramay halgankii ka dib, horumarada waa weyn ee hirgalay iyo taariikhda deegaanka.
” Halgankii ka dib, waxaan helnay wax badan oo Ilaahey nagu maneystay ayaa helnay, waxaa ka mid ah Ceelka biyaha ee hadda aad arkeysiin, waxaa kale, oo aan helnay waxbarasho iyo xarun caafimaad, inshallahu tacaalaa wax badan oo kalena waa rejeyneynaa, baahida tii ugu weyneyd waa biyaha, meeshan Waab-weyn ayaa la yiraah oonleyn ayay ahaan jirtay,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka dadka deegaanka oo warbaahinta Qaranka la hadlay.
Ugu dambeyn, dadka deegaanka Waab-weyn ayaa u mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si deg deg ah uga jawaabtay baahidii bulsho ee ay qabeen labo sano ka dib markii laga xoreeyay Khawaarijta Al-shabaab. Deegaanka Waab-weyn waa deegaan dadkiisu kaalin weyn ay ka qaateen dagaalka lagu jabiyay kooxda Khawaarijta ee bariga gobolka Hiiraan labo sano ka hor.
Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga XFS” Dagaal xoog leh ayaa ku qaadnay kalluumeysigii sharci darrada ahaa ee baddeenna ka socday”

Next Post

Xildhibaanada golaha shacabka BJFS oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedyo muhiim ah

Next Post
Xildhibaanada golaha shacabka BJFS oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanada golaha shacabka BJFS oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedyo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In