Monday, September 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Asluubta oo ka warbixiyey dhacdadii Xabsiga Dhexe ee Xamar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 13, 2024
in Wararka
0
Taliska Ciidanka Asluubta oo ka warbixiyey dhacdadii Xabsiga Dhexe ee Xamar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdiqani Maxamed Qalaf oo warfidiyeennada la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqaaqaddii maanta ka dhacday gudaha xabsiga Dhexe ee Xamar, kaasi oo ay ku lug lahaayeen xubno ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiga.

Afhayeenka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray askarta iyo maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Waxaana uu sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen inay ka hortaagan in dagaalku uu gaaro qeybaha kale ee xabsiga iyo maxaabiista ku xiran.

Related posts

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

September 8, 2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

September 8, 2025

“Waa la soo afjaray howlgalka 11:00 AM, waxaa ku geeriyooday 5 kamid ah maxaabiista, halka 18 kalena ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha askarta soo gaaray uu yahay 3 dhimasho ah iyo saddex dhaawac ah.

Ugu dambeyn, Afhayeenka ciidanka asluubta ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu sameynayo sida qaar kamid ah Maxaabiista ay ku heleen hubka, asagoo sheegay inaysan jirin wax maxaabiis ah oo xabsiga ka baxsaday.

“Ma jiraan wax maxaabiis ah oo xabsiga ka baxday, baaris ayaana lagu sameynayaa sababihii waxaani u dhaceen, dib ayaana la idin kala wadaagi doonaa” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdiqani Maxamed Qalaf.

 

Previous Post

Ku dhawaad 10 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Gobalka Hiiraan

Next Post

Boliiska Soomaaliya oo soo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo ku kacday falal anshax-darro ah

Next Post
Boliiska Soomaaliya oo soo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo ku kacday falal anshax-darro ah

Boliiska Soomaaliya oo soo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo ku kacday falal anshax-darro ah

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

September 8, 2025
0

 Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

September 8, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga...

Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa

September 8, 2025
0

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta ka furmaya shirka looga hadlayo isbeddelka cimilada iyo saamaynta taban ee...

Duqa Muqdisho oo maanta xarig-jaray wadada isku xirta degmooyinka Xamarjajab iyo Waaberi

Duqa Muqdisho oo maanta xarig-jaray wadada isku xirta degmooyinka Xamarjajab iyo Waaberi

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarigga ka jaray wadada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In