Tuesday, August 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Asluubta oo ka warbixiyey dhacdadii Xabsiga Dhexe ee Xamar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Taliska Ciidanka Asluubta oo ka warbixiyey dhacdadii Xabsiga Dhexe ee Xamar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdiqani Maxamed Qalaf oo warfidiyeennada la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqaaqaddii maanta ka dhacday gudaha xabsiga Dhexe ee Xamar, kaasi oo ay ku lug lahaayeen xubno ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiga.

Afhayeenka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray askarta iyo maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Waxaana uu sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen inay ka hortaagan in dagaalku uu gaaro qeybaha kale ee xabsiga iyo maxaabiista ku xiran.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

August 4, 2026
Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

August 4, 2026

“Waa la soo afjaray howlgalka 11:00 AM, waxaa ku geeriyooday 5 kamid ah maxaabiista, halka 18 kalena ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha askarta soo gaaray uu yahay 3 dhimasho ah iyo saddex dhaawac ah.

Ugu dambeyn, Afhayeenka ciidanka asluubta ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu sameynayo sida qaar kamid ah Maxaabiista ay ku heleen hubka, asagoo sheegay inaysan jirin wax maxaabiis ah oo xabsiga ka baxsaday.

“Ma jiraan wax maxaabiis ah oo xabsiga ka baxday, baaris ayaana lagu sameynayaa sababihii waxaani u dhaceen, dib ayaana la idin kala wadaagi doonaa” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdiqani Maxamed Qalaf.

Previous Post

Ku dhawaad 10 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Gobalka Hiiraan

Next Post

Boliiska Soomaaliya oo soo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo ku kacday falal anshax-darro ah

Next Post
Boliiska Soomaaliya oo soo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo ku kacday falal anshax-darro ah

Boliiska Soomaaliya oo soo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo ku kacday falal anshax-darro ah

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay Mudane George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

August 4, 2026
0

Muqdisho ayaa goordhow martigelin doonta Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan mas'uuliyiin ka tirsan...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay...

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In