Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo kulan la qaatay bulshada Gobalka Shabeellaha Hoose

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo kulan la qaatay bulshada Gobalka Shabeellaha Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan heerarka kala duwan ee dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo socdaal shaqo ku gaaray gobolka Shabeellada Hoose ayaa kulan is xog wareysi ah la qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee degmada Marka.

Kulankan dadweyne ayaa waxaa diiradda lagu saarayey sidii la isugu xiri lahaa maamulka degmada, cadaaladda iyo amniga loona adkeyn lahaa wada shaqeyntooda si ay bulshada uga haqabtiraan adeegyadda dowlanimda ay had iyo jeer u baahan tahay si looga guul gaaro dadaalada xasilnta. Waxaa kale oo diiradda la saaray adkaynta nabada iyo isla jirka bulshada si deegaanka loo gaar siiyo horumar waara oo waxtar leh.

Related posts

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 9, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr  Cumar Aadan Cadde

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr Cumar Aadan Cadde

February 9, 2026

Bulshada deegaanka ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cali Xoosh uga waramay xaaladda degmada, iyaga oo sheegay oo Marka iyo deegaannada hoos yimaada ay amni buuxa heleen kadib markii laga xoreeyey Khawaarijta, sidoo kale waxaa ay intaa ku dareen in soo afjarmeen dagaal beeleedyo ay hurin jireen nabad-diidka.

“Heerarka kala duwan ee Dowladda, Federaalka iyo Dowlad goboleedyadaba waxaa ka go’an in ay dhageystaan shacabka qeybihiisa kala duwan si loo xaqiijiyo gaarsiinta adeegyada ay u baahan yihiin” Waxaa sii yiri Wasiir Xoosh

Booqashadani waxay qeyb ka tahay safaro shaqo oo uu wasiirku ku kala bixinayo dhammaan dowlad goboleedyada dalka si loo dhagaysto dadka ku nool deegaandaas kala gadisan oo ay dadaalada kala duwan ka socdaan si loo adkeeyo dowladnimada, korna loogu qaado kalsoonida dadku ay ku qabaan dowladnimada.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo furay aqoon isweydaarsi ku saabsan Dhab u heshiisiinta Qaran

Next Post

Wasiirkka Warfaafinta oo soo xiray Aqoon Isweydaarsiga heerka sare oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Wasiirkka Warfaafinta oo soo xiray Aqoon Isweydaarsiga heerka sare oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirkka Warfaafinta oo soo xiray Aqoon Isweydaarsiga heerka sare oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 9, 2026
0

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate Fund – GCF) iyo Ansixinta Qiimaynta Baahiyaha Diyaargarowga Soomaaliya (Readiness Needs...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr  Cumar Aadan Cadde

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr Cumar Aadan Cadde

February 9, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan bahda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

February 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Iskaashiga...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf

February 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudiga, ayaa kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In