Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga oo gaaray Kismaayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga oo gaaray Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi, oo iskugu jira Xildhibaano ka tirsan BFS, Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ee Hirshabeelle, Koonfur-galbeed, iyo Galmudug, iyo SSC Khaatumo oo ay sidoo kale la socdeen guddoomiyeyaasha Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer dawlad goballeed, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda dawladda Jubaland halkaas oo lagu daahfuri doono dawlad goballeedkii ugu horreeyey ee Wasaaraddu gaarsiiso hanaanka diiwaangelinta ganacsiga Soomaaliya oo noqday dawladda Jubaland.

Weftiga oo si heer sarre ah looggu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo, ayaa waxa halkaas ku qaabilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Jubaland, Xildhibaanada iyo Ganacsatada Jubaland, waxaana sidoo kale weftiga qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Mohamed Saney Dalmar, iyo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya Hirshabeelle, Koonfur-galbeed, iyo Galmudug, SSC Khaatumo, iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

Hirgelinta hanaanka casriga ah ee diiwaangelinta ganacsiga Soomaaliya oo soo maray marxalado kala duwan, ayaa hada maraya heer gebo-gabo ah, waxaana daahfurka barnaamijkan uu daba socdaa iyada oo la fulinayo heshiiskii Dhuusamareeb 11-15kii Maarj, 2023 ay ku soo galeen Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha heer Federaal iyo heer Dawlad goballeedda oo ujeedkiisu ahaa in dawladda Jubaland ay noqoto dawladd goballeedka ugu horreysa ee la gaarsiiyo hanaankan casriga ah.

Hanaankan casriga ah, ayaa ganacsatada u suurtogelinaya inay Shirkadahooda Ganacsi ku diiwaangashan karaan hab casri ah oo onlayn ah iyaga oo jooga xafiisyaddooda taas oo kor u qaaday horumarkii iyo fududeyntii ganacsiga wadanka, dakhli abuurka iyo kobaca dhaqaalaha wadanka.

 









Previous Post

Xal Nabadeed oo laga gaaray beelo ku dagaallamay Luuq

Next Post

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kullanka Maqaamka Caasimadda oo ka socday Muqdisho

Next Post
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kullanka Maqaamka Caasimadda oo ka socday Muqdisho

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kullanka Maqaamka Caasimadda oo ka socday Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In