Thursday, August 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo abaalmarisay jilayaasha Taxanaha Dabin

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo abaalmarisay jilayaasha Taxanaha Dabin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed, ayaa xalay abaalmarin guddoonsiisay jilayaasha Taxanaha Dabin, shirkadda Asal oo maalgelisay iyo App-ka Nasiye oo lagu soo bandhigay, maamulayaasha, jilaayaasha iyo shaqaalaha farsamada ee taxanaha, iyagoo lagu abaal mariyay laguna dhiirigaliyay tayadooda.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Almakhzoumi,ayaa bogaadisay hindisahan lagu soo bandhigaya aflaamta ka tarjumaya danaha bulshada, waxanaya fartay in lagu soo daro wacyi gelin ku saabsan ilaalinta deegaanka.

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026

“Waxaa codsanaa in fanaaniinta ay Filimadda  kusoo daraan wacyigalinta deegaanka, maadama ay dhibaato naga haysato ilaalinta deegaanka dalkeena.”

Mareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigalinta Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay in muqdisho ay soo martay xaalado badan oo mugdi iyo murugo leh haatanna ay dhinaca kale isu rogtay, wuxuuna tusaale usoo qaatay Filimka ay soo bandhigeen dhallinyada Soomaaliyeed oo ka tarjumaya bilicda iyo soo kabashada dalka gaar ahaan goobaha dalxiiska oo ay ka mid tahay quruxda xeebteenna.

“Filimkan ay dhallinyada soo bandhigeen waxaa ka muuqda quruxda magaalada Muqdisho, bilicda Xeebteena dhallinyadana aad ayaan ugu mahad celinayaa .”

Agaasimaha Wakaalada Filimadda Soomaaliyeed Cali Cabdulqaadir Cali “Maykal” ayaa sheegay in Wakaaladdu ay diyaar u tahay in ay dhiirrigeliso Shirkadaha filimada, ayna qayb ka noqdaan ilaalinta dhaqankeenna suubban.

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wadda qorshe baaxad leh oo lagu dhiirri gelinayo Aflaanta maxalliga ah ee lagu wacyi gelinaya dhallinyarada iyo bulshada qaybaheeda kale.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabbilay Agaasime kuxigeenka UNDP ee Wadamada Carabta

Next Post

Wasiirka Caddaaladda XFS oo kulan la yeeshay Agaasime kuxigeenka UNDP ee Wadamada Carabta  

Next Post
Wasiirka Caddaaladda XFS oo kulan la yeeshay Agaasime kuxigeenka UNDP ee Wadamada Carabta   

Wasiirka Caddaaladda XFS oo kulan la yeeshay Agaasime kuxigeenka UNDP ee Wadamada Carabta  

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In