Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xisbulah oo duqeymo la beegsaday hoyga R/wasaaraha Israel & xarumo ciidan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
1 year ago
in Wararka
0
Xisbulah oo duqeymo la beegsaday hoyga R/wasaaraha Israel & xarumo ciidan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in guriga Netanyahu oo ku yaal waqooyiga Tel Aviv,gaar ahaan xaafadda Caesarea ay duqeysay diyaarad aan duuliye lahayn oo oo ka timid dhanka Lubnaan.

 

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

“Netanyahu iyo qoyskiisa ma joogin Caesarea markii uu weerarku dhacay” ayaa lagu yiri bayaan ama war cad oo ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha, waxaana intaa lagu daray in halkaasi uu ku dhintay hal ruux,isla markaana ay ku dhaawacmeed 13 kale.

 

Warbaaghinta oo so xiganeysay xukuumadda Israel ayaa sheegtay in Iran ay ka dambeyso duqeymahaasi,isla markaana ay doonayaan in ay khaarajitaan Netenyahu.

 

Dhanka kale Ugu yaraan 44 falastiiniyiin ah ayaa la dilay in ka badan 80 kalena waxaa lagu dhaawacay weerar ay Israa’iil ku qaadday waqooyiga Qaza ee Jabalia iyo xeryaha qaxootiga ee Maghazi.

 

Dhimashada iyo dhaawaca dadkaasi oo ay ku jiraan carruur ayaa yimid xilli ciidamada Israa’iil ay beegsadeen cisbitaallada al-Awda iyo Kamaal Adwan ee waqooyiga Qaza.

 

Xamaas ayaa sheegtay in maxaabiista Israa’iil aan la sii deyn doonin haddii aan la joojin xadgudubka Gaza,isla markaana aan la saarin ciidamada Israel ee ku soo duulay deegaanada Falastiin.

 

Dhimashada Gaza ayaa mareysa 42,500 oo qof ,halka dhaawaca lagu sheegay 99,546,iyadoo dhinaca kale tirada dadka reer Lubnaan yak u dhowdahay 2 kun.

Previous Post

Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyadda Galmudug oo Dhuusomareeb ka furay tababar.

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Uganda

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Uganda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In