Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay (OHCHR) ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin ciidamada Israa’iil oo laga yaabo in ay sabab u noqdaan burburka deegaanka iyo dadka reer Falastiin ee ku nool woqooyi Gaza, iyada oo loo sii marayo xasuuqid iyo barakicin.
Qaramada Midoobay waxay si gaar ah uga walaacsan tahay dadka ku nool Jabalia, Beit Hanoon iyo Beit Lahiya, halkaas oo in ka badan 87 falastiiniyiin ah lagu dilay ama la la’yahay ka dib markii ay Israa’iil weerartay oo dhulka la sintay dhisme dhan oo la deggan yahay.
Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in cagaf-cagaf ay leeyihiin ciidamada Israa’iil ay burburiyeen daar ku taallay koonfurta Lubnaan oo ay ku sugnaayeen ciidamada nabad ilaalinta qaramada midoobay oo muddo sanado ah halkaasi ku joogay ogolaanshaha caalamiga ah ee UN-ka.
Dhinaca kale,ugu yaraan 12 gantaal oo Israa’iili ah ayaa ku dhacay duleedka koonfureed ee Beirut ,halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.
Dagaalka Qaza waxaa illaa hadda ku dhintay ugu yaraan 42,603 qof ,halka dhaawaca lagu sheegay 99,795,iyadoo sidoo kale duqeynaha Israel ee Lubnaan ay ku dhinteen in ku dhow laba kun oo ruux.