Sunday, November 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha gudaha FS oo xilalka u kala wareejiyey Guddoomiyihii hore HQB Iyo midka cusub 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
10 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha gudaha FS oo xilalka u kala wareejiyey Guddoomiyihii hore HQB Iyo midka cusub 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, Mudane Ali Yusuf Ali – Xoosh, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Mudane Axmed Xuseen Cilmi oo loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha.

Xafladda xil wareejinta ayaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyihii hore ee Hey’adda, Marwo Safiya Xasan Maxamed, oo loo mahadceliyey shaqooyinka iyo howlihii muhiimka ahaa ee ay qabatay intii ay xilka haysay.

Related posts

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

November 1, 2025
Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

November 1, 2025

Mudane Ali Xoosh ayaa si kooban uga hadlay muhiimadda shaqada hey’adda ee qaxootiga iyo barakacayaasha, isagoo ku dardaarmay Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi in uu dardargeliyo shaqada hey’adda oo ah mid muhiim u ah qaranka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sidoo kale ku ammaanay Marwo Safiya Xasan Maxamed howlihii iyo dedaalada ay soo qabatay intii ay haysay xilka, isagoo tilmaamay in ay kaalin weyn ka qaadatay daryeelka qaxootiga iyo barakacayaasha ee Soomaaliya.

“Waxaan ku dhiirrigelinayaa Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi in uu sii wado shaqada muhiimka ah ee hey’addani qabato, isla markaana uu ka shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha dalka, si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo daryeel wanaagsan,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Xafladda xil wareejinta ee maanta ayaa muujineysa isbedelada muhiimka ah ee ka socda maamulka Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha, iyadoo la rajeynayo in Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi uu sii wadi doono dadaallada lagu daryeelayo dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo qaxootiga ku sugan dalka.

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska oo soo dhaweysay guulaha ay gaartay DFS

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo deeq Gargaar ah kala wareegey Safiirka Imaaraadka Carabta 

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo deeq Gargaar ah kala wareegey Safiirka Imaaraadka Carabta 

Guddoomiyaha SoDMA oo deeq Gargaar ah kala wareegey Safiirka Imaaraadka Carabta 

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MASAR):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee dalka Masar,...

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE):-Ciidanka Xaq u dirirka deegaanka ee ka howlgala degmada Mahadaay ayaa saakay howlgal qorsheysan ku dilay, horjoogihii Khawaarijta...

Shacabka degmada Waajid oo maanta u dareeray isdiiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka

Shacabka degmada Waajid oo maanta u dareeray isdiiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):- Guddiga is diiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa maanta si rasmi ah uga hawl bilaabay degmada Waajid ee...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In