Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa gargaar raashin ah u qeybisay qoysas danyar ah oo ku sugan ceelka Daboole, duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo uu saameeyay abaarta La Nina.

Qoysaskan ayaa ka kooban danyar agoonta iyo dad kale oo wajahaya dhibaatooyinka abaarta ee ka jirta dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026

Gargaarka La Gaarsiiyay Qoysaska Qoysaskii gargaarkan la gaarsiiyay ayaa u mahadnaqay Hay’adda SoDMA, iyagoo sheegay in gargaarka raashinka ee loo keenay uu yimid xilli ay baahi ba’an u qabeen, islamarkaana ay daalaa-dhacayeen sidii ay u heli lahaayeen cunto iyo biyaha lagama maarmaanka u ah nolosha. Qaar ka mid ah qoysaskaas ayaa sheegay in abaarta La Nina ay si weyn u saameysay noloshooda, iyagoo ku tilmaamay gargaarka xilli muhiim ah oo ay aad ugu baahnaayeen.

Hay’adda SoDMA,ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlo raashiin qaybin ah ka waday degaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada dalka, iyadoo mudnaanta siinaysa goobaha ay ku dhufteen abaaraha iyo daadadka, sidoo kale degaannada laga xoreeyay khawaarijta.

Abaarta La Nina ee ka jirta dalka Soomaaliya ayaa noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka ee ku nool gobollada qaar, gaar ahaan degaannada ku teedsan bari iyo koonfurta Soomaaliya. Qoysas badan, ayaa ku waayay xoolo, beeraha ayaa ku gubtay, waxaana inta badan dadkaasi ay wajahayaan macluul iyo biyo la’aan.

Hay’adda SoDMA ayaa sidoo kale ka shaqeyneysa sidii loo xoojin lahaa gargaarka deg-degga ah, iyadoo qorsheynaysa in la kordhiyo gargaarka raashinka iyo biyaha ee loogu talagalay qoysaska ay abaartu saameysay. Waxaa sidoo kale la rajeynayaa in gargaarkaasi uu ka caawin doono dadka inay ka baxaan xaaladaha adag ee ay ku jiraan, iyo inay helaan fursado cusub oo ku aaddan badbaadinta noloshooda.

Previous Post

R/W Xamsa oo balan qaaday in talaabo laga qaadi doono mas’uulkii ku xadgudba Haweenka

Next Post

Madaxweynaha Switzerland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha Switzerland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Switzerland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka...

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026
0

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis...

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

February 15, 2026
0

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya. War-murtiyeedka Midowga Afrika...

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

February 15, 2026
0

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar oo Xeydar Muqtaar Afgarashadiisu tahay iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In