Wednesday, July 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Hay’adda NISA oo gacanta kusoo dhigay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Ciidanka Hay’adda NISA oo gacanta kusoo dhigay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ayaa gacanta kusoo dhigay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku howlanaa in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo shalay galab dhacay ayaa lagu qabtay labo dhagar-qabe oo lagu kala magacaabo, Nuur Muxudiin Jabriil iyo Maxamed C/raxmaan Maxamuud, kuwaas oo xilliga gacanta lagu dhigay ku howlanaa in ay soo gelinayeen magaalada, 8 miino oo isugu jiray; 3 nooca soo boodda ah, 5 nooca dhejiska ah, iyo 2 bambo F1.

Related posts

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

July 15, 2026
Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

July 15, 2026

Sidoo kale, howlgal qorsheysan oo ciidanka NISA, ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley waxa ay kusoo qabteen dhagar-qabe lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay Macruuf iyo Cali foowdo, kaas oo dhawaan ay Khawaarijtu u soo direen magaalada Muqdisho si uu falal argagixiso uga fuliyo, kaddib markii Sirdoonka Qaranku uu horey ugu guuleystay in uu soo afjaro Shabakadihii Khawaarijta ee qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa xoojiyay howlgallada lagu cirib-tirayo haraadiga Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyaadka Khawaarijta ee wali isku dayaya in ay maleegaan falalka argagixiso ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Guddoomiyay Kulanka Fulinta Qorshaha Wasaaradda ee 2025

Next Post

Senetar Xasan Kobac oo baaq u diray Hay’adaha samafal ka

Next Post
Senetar Xasan Kobac oo baaq u diray Hay’adaha samafal ka

Senetar Xasan Kobac oo baaq u diray Hay’adaha samafal ka

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

July 15, 2026
0

Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa sheegtay in commandos-ka Danab ay dileen toddoba dagaalyahan oo kooxda Khawaarijta Al-Shabab ah, oo ay ku...

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

July 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta booqasho rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe), oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In