Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta Boqor Salmaan oo kaashanaysa Hay’adda Al-Mahaasin Foundation oo maalintii labaad wada qaybinta Zakaatul-Fidriga

Idman Yahye by Idman Yahye
1 year ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Xarunta Boqor Salmaan oo kaashanaysa Hay’adda Al-Mahaasin Foundation oo maalintii labaad wada qaybinta Zakaatul-Fidriga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Waxaa sii socota qaybinta Zakada Fidriga ee sanadkan 1446H – 2025, oo ay fulinayso Xarunta Boqor Salmaan iyadoo kaashanaysa Hay’adda Al-Mahaasin Foundation .
Maanta, oo ah maalinta labaad ee mashruuca, ayaa qaybinta si habsami leh u socotay, iyadoo la gaarsiiyay deeqaha xarumaha agoomaha, dadka nadaafadda ee ku nool Isbitaalka Martini, iyo qoysaska danta yar ee ku nool degmada Garasbaaleey ee gobalka Benadir iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaybinta maanta waxay sii xoojisay dadaallada lagu yareynayo culeyska nololeed ee qoysaska danyarta ah, iyada oo la xoojinayo farxadda maalmaha ciidda barakeysan ee Fidriga. Dadka ka faaโ€™iideystay mashruucan ayaa muujiyay dareen mahadnaq iyo farxad, iyagoo uga mahadceliyay hayโ€™adaha iska kaashanaya gargaarkan naxariista leh.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Mashruucan oo qayb ka ah dadaallada gargaarka ee joogtada ah, wuxuu sii adkeynayaa kaalinta Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Baniโ€™aadamnimada ee ku aaddan horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida amniga cuntada, caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha. Hayโ€™adda Al-Mahaasin Foundation waxay mar kale bogaadinaysaa Xarunta Boqor Salmaan dadaalkooda joogtada ah iyo taageeradooda deeqsinimada leh ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa la rajeynayaa in mashruucan uu wax badan ka tari doono baahiyaha nololeed ee qoysaska dantayarta ah.

Previous Post

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐ž๐ฒ ๐๐จ๐จ๐ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐ž๐ฒ ๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐๐š๐Ÿ๐š๐ช๐š๐๐š.

Next Post

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo daawo ku wareejiyay Maamulka Cadale

Next Post
Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo daawo ku wareejiyay Maamulka Cadale

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo daawo ku wareejiyay Maamulka Cadale

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In