Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan oo maanta gaaray magaalada Baydhaba

Idman Yahye by Idman Yahye
6 months ago
in Wararka
0
Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan oo maanta gaaray magaalada Baydhaba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Magaalada Baydhaba ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxaa gaadhay xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan ee Qaranka, kuwaas oo halkaasi si diirran loogu soo dhaweeyay.U jeedka safarka Guudiga Doorashooyinka Madaxbanaan ayaa ku aadan sidii ay magaalada Baydhaba iyo deegaannada maamulkaba uga bilaabi lahaayeen, arrimaha ku aadan doorashooyinka qof iyo cod iyo diiwaangelintooda.

Guddiga ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Baydhaba waxa ay kulamo latashi ah la yeelan doonaan, ardayda jaamacadaha, waxgaradka Koonfur Galbeed, dhalinyarada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, si loogu sameeyo wacyigelin iyo ka xogsiinta arrimaha doorashooyinka, iyagoona sheegay in la diiwaangelin doono cid kasta oo soo buuxisa shuruudaha codbixinta.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Waxaa xusid mudan in isla maantaba ay la kulmeen guddigu, duubabka iyo odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, kuwaas oo soo dhaweeyay in deegannada Koonfur Galbeed ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan ee Qaranka ayaa uga mahadceliyay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Baydhaba, iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin shacabkeedu sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka qof iyo cod ee uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu horay u iclaamiyay in dalka ay ka dhacdo dagaalladii sokeeyo ee dalku uu galay kadib markii ugu horreysay.

Previous Post

Xildhibaan Buraale “Furinta waxaan u joogaa in aan dhinto ama aan sharaf soo hooyo.”

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo si rasmi ah u furtay Imtixaanka Qoraalka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo si rasmi ah u furtay Imtixaanka Qoraalka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo si rasmi ah u furtay Imtixaanka Qoraalka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In