Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Gurmadka Qaran oo Shir Ka Yeeshay Xoojinta Gurmadka iyo Diyaar-garowga Musiibooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddiga Gurmadka Qaran oo Shir Ka Yeeshay Xoojinta Gurmadka iyo Diyaar-garowga Musiibooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Gurmadka Qaran ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka arrinsaday xoojinta adeegyada gurmadka degdegga ah iyo u diyaar-garowga xaaladaha musiibo ee ka dhici kara dalka.

Shirkan, oo ka dhacay xarunta Haydda SoDMA, waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaran, Dr. Cali Xaaji Aadan, waxaana ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah.

Related posts

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026

Intii uu socday kulanka, guddigu waxay xoogga saareen kor u qaadista tayada adeegyada caafimaad ee xarumaha gurmadka degdegga ah, iyadoo sidoo kale la dardargelinayo qalabeyntooda si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah. Waxa kale oo la adkeeyay baahida loo qabo diyaar-garowga looga hortagayo musiibooyinka soo noqnoqda ee saameeya dalka.

Sidoo kale, guddigu waxay ka doodeen baahida loo qabo in la sameeyo dadaallo dhaqaale ururin bulsho ah oo loo maro iskaashi u dhexeeya dowladda, ganacsatada, iyo shacabka, si loo taageero hay’adaha gurmadka si ay si wax ku ool ah uga falceliyaan xaaladaha degdegga ah.

Guddoomiyaha guddiga, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in shirka uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda gurmadka ee dalka, isla markaana laga fogaanayo jawaab celin daahsan marka ay dhacaan musiibooyin.

Kulankan ayaa imaanaya xilli qeybo kamid ah dalka ay wajahayaan xaalado adag oo bini’aadantinimo, kuwaas oo u baahan is-kaashi iyo u diyaar-garow mideysan.

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka beni’aadannimo

Next Post

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shirka sharciga Saadaasha Hawada ka furtay Nairobi

Next Post
Wasaaradda Deegaanka XFS oo shirka sharciga Saadaasha Hawada ka furtay Nairobi

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shirka sharciga Saadaasha Hawada ka furtay Nairobi

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,...

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In