Friday, July 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 23, 2025
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD, kaas oo wata calanka Jasiiradda Comoros.

 

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wadahadal labo geesood ah kula yeeshay Baku dhiggiisa Azerbaijan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wadahadal labo geesood ah kula yeeshay Baku dhiggiisa Azerbaijan

July 24, 2025
Soomaaliya iyo Turkiga oo markale heshiis kala saxiixday

Soomaaliya iyo Turkiga oo markale heshiis kala saxiixday

July 24, 2025

War-saxaafadee ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in markabku uu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM, Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnadduna ay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah.

 

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in marka laga soo tago qalabka ciidan markabku uu siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

 

“Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.

 

Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed”.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya:

 

1. Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.

 

2. Waxay uga digeysaa Puntland sii socoshada dhammaan hawlgallada sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha ku aaddan maamulkeeda, isla markaana ugu baaqaysaa in ay kala shaqeeyso Dowladda Federaalka, xaqiijinta marin ammaan ah oo fududeeya Isku socodka maraakiibta ku shaqeysa oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.

 

3. Waxay caddeyneysaa in ay ka go’antahay ka hortaga falalka burcad badeednimo iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh burcad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah.

 

Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda.

 

Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah. Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.

 

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka.

Previous Post

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚qada XFS 𝐨𝐨 d𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 m𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 lagu horumarinayo q𝐨𝐲𝐬𝐚𝐬 d𝐚𝐧𝐲𝐚𝐫 𝐚𝐡

Next Post

Federal Government Condemns Hijacking of SEA WORLD Vessel, Calls for Immediate Release and Constitutional Compliance

Next Post
Federal Government Condemns Hijacking of SEA WORLD Vessel, Calls for Immediate Release and Constitutional Compliance

Federal Government Condemns Hijacking of SEA WORLD Vessel, Calls for Immediate Release and Constitutional Compliance

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wadahadal labo geesood ah kula yeeshay Baku dhiggiisa Azerbaijan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wadahadal labo geesood ah kula yeeshay Baku dhiggiisa Azerbaijan

July 24, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah wadahadal mirodhal ah kula yeeshay...

Soomaaliya iyo Turkiga oo markale heshiis kala saxiixday

Soomaaliya iyo Turkiga oo markale heshiis kala saxiixday

July 24, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Yaşar Güler, ayaa maanta magaalada Istanbul ku kala...

Soomaaliya iyo Switzerland oo ka heshiiyay iskaashiga arrimaha socdaalka

Soomaaliya iyo Switzerland oo ka heshiiyay iskaashiga arrimaha socdaalka

July 24, 2025
0

Dowladda Switzerland ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, iyadoo wafdi ka socda Soomaaliya...

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia,

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia,

July 24, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In