Thursday, July 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 months ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD, kaas oo wata calanka Jasiiradda Comoros.

 

Related posts

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026

War-saxaafadee ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in markabku uu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM, Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnadduna ay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah.

 

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in marka laga soo tago qalabka ciidan markabku uu siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

 

“Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.

 

Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed”.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya:

 

1. Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.

 

2. Waxay uga digeysaa Puntland sii socoshada dhammaan hawlgallada sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha ku aaddan maamulkeeda, isla markaana ugu baaqaysaa in ay kala shaqeeyso Dowladda Federaalka, xaqiijinta marin ammaan ah oo fududeeya Isku socodka maraakiibta ku shaqeysa oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.

 

3. Waxay caddeyneysaa in ay ka go’antahay ka hortaga falalka burcad badeednimo iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh burcad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah.

 

Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda.

 

Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah. Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.

 

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka.

Previous Post

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚qada XFS 𝐨𝐨 d𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 m𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 lagu horumarinayo q𝐨𝐲𝐬𝐚𝐬 d𝐚𝐧𝐲𝐚𝐫 𝐚𝐡

Next Post

Federal Government Condemns Hijacking of SEA WORLD Vessel, Calls for Immediate Release and Constitutional Compliance

Next Post
Federal Government Condemns Hijacking of SEA WORLD Vessel, Calls for Immediate Release and Constitutional Compliance

Federal Government Condemns Hijacking of SEA WORLD Vessel, Calls for Immediate Release and Constitutional Compliance

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
0

Munaasabad lagu xusayay 66-sano guuradii kasoo wareegtay Xorriyadda iyo Midowgii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee dalka Koonfurta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In