Thursday, August 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan ku saabsan u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 27, 2025
in Wararka
0
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan ku saabsan u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta qabatay kulan looga hadlay u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda. Kulanku waxa uu isu keenay shirkadaha xarumaha xargaha fiber-ka badda maamula, shirkadaha Isgaarsiinta, iyo kuwa internet yada si looga hadlo waajibaadka u hoggaansanaanta, foomka warbixinta sannadlaha, marxaladaha warbixinta u hoggaansanaanta iyo taariikhaha muhiimka ah ee soo gudbinta, rukhsadaha iyo oggolaanshaha xargaha fiberka badda.

Maareeyaha Guud, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa furay kulanka isaga oo ka hadlay sida Hay’addu uga go’an tahay hirgelinta u hoggaansanaanta iyo fursadaha la xiriira xeernidaamiyahan: “Soomaaliya maanta waxay leedahay qaab-sharci casri ah oo cad, annagana waxaannu ka filaynaa in rukhsadlayaashu si buuxda u gutaan waajibaadkooda,” ayuu yiri. “Xeernidaamiyahani waxa uu abuurayaa fursado dhaqaale, waxa uu dalkeenna ka dhigaa xarun istaraatiiji ah oo isku xira Bariga iyo Bartamaha Afrika, isla markaana waxa uu xoojinayaa dhaqaale dhijitaal. Mas’uuliyaddeennu waa ilaalinta hurgelinta xeer-nidaamiyahan iyo hubinta u hoggaansanaanta.”

Related posts

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 27, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

August 27, 2025

Kulanku waxa uu daba socday ansixintii Golaha Wasiirrada ee 12 Juunyo 2025 ee Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda, kaas oo dejiyey hanaanka maamul ee ku saabsan helitaanka bandwidth-ka caalamiga ah, isla markaana xoojiyey jidka dalkeenna ee ku aaddan isku-xirnaan adkaysi leh iyo tartan caafimaad qaba oo suuqa isku-xirka ah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

Next Post

Xukuumadda oo furtay Aqoon-is-weydaarsi Qaran oo ku saabsan hannaanka Xafiiska Qaran ee Isbeddelka Cimilada

Next Post
Xukuumadda oo furtay Aqoon-is-weydaarsi Qaran oo ku saabsan hannaanka Xafiiska Qaran ee Isbeddelka Cimilada

Xukuumadda oo furtay Aqoon-is-weydaarsi Qaran oo ku saabsan hannaanka Xafiiska Qaran ee Isbeddelka Cimilada

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 27, 2025
0

Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa bayaan ka soo baxay Xafiiskiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiskii...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

August 27, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

August 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

August 27, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In