Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare oo furay kulanka Guddiga Joogtada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare oo furay kulanka Guddiga Joogtada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka koowaad ee kalfadhiga toddobaad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Ugu horrayn, kulanka waxaa lagu dhaariyay Senator Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley), oo dhowaan Golaha Wakiillada Puntland ay u doorteen inuu ka mid noqdo Sanetarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

Intaasi ka dib, xubnaha Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa ka dooday diyaarinta iyo jadwalaynta qorshe howleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare ee kalfadhiga toddobaad, iyagoo soo jeediyay talooyin muhiim u ah dardar-gelinta hannaanka shaqo ee waajib gudashada Guddiyada iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Cali Shacbaan, oo kulanka soo xiray, ayaa xubnaha Guddiga Joogtada Aqalka Sare kula dardaarmay inay dardar geliyaan howlaha shaqo ee Guddiyada una diyaar garoobaan waajibka ka gudashada shuruucda muhiimka ah ee golaha horyaala.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Tacliinta sare

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey Madaxtooyada Serbia

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey Madaxtooyada Serbia

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey Madaxtooyada Serbia

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In