Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa shacabka ku nool gobolka Shabeellaha Hoose si gaar ah deegaannadii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta u dirtay gaadiid sida shixnad gargaar raashin ah.
Gaadiidkan oo gaarayay ilaa shan gaari ayaa wada qeybaha kale duwan ee raashinka, waxaana si gaar ah loogu talagalay shacabka ku nool deegaannada Sabiid, Canoole iy9 Bariire, kuwaas oo dhawaan laga xoreeyay khawaarijta.
Agaasimaha Waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf ayaa tilmaamtay in deeqdn loogu talagalay shacabka laga dulqaaday cadowga Khawaarijta.
Iskuduwaha gargaarka Shabeellaha Hoose oo ka warbixiyay gargaarkan ayaa uga mahadnaqay hay’adda SoDMa sida ay mar walba u garab taaganyihin shacabka ku nool Shabeellaha Hoose, kuwaas oo wajayaha xaalado adag oo dhanka nolasha ah










