Friday, February 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah, ayaa ugu baaqay Maamullada Degmooyinka Caasimadda inay dardargeliyaan ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada, ka qaybqaadashada dadaallada lagu xoojinayo amniga, iyo u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka ee dhawaan ka dhici doonta Muqdisho.

Dr. Muungaab oo shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamullada Degmooyinka, ayaa si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah xal loogu helo caqabadaha ka jira dhanka bullaacadaha, biyo-mareennada iyo boosaneerrada si sharci-darro ah looga dhisay waddooyinka. Waxa uu sheegay in arrintaasi ay kordhinayso khatarta fatahaadaha xilliyada roobabka, maadaama biyo-mareennada magaalada ay xirmaan.

Related posts

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ g๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ฎ u x๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

February 27, 2026
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay abaabulka iyo isku-duwidda bulshada si ay uga qaybqaataan u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka. Waxa uu ku boorriyay shacabka iyo hayโ€™adaha amniga inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda nabadgelyada iyo ka hortagga kooxaha amni-darrada sameeya.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Yabooh, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Agaasimayaal, iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda.

Previous Post

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Next Post

Madaxweynaha JFS Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Dib Loo Doortay Ee Tanzaaniya

Next Post
Madaxweynaha JFS Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Dib Loo Doortay Ee Tanzaaniya

Madaxweynaha JFS Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Dib Loo Doortay Ee Tanzaaniya

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ g๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ฎ u x๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ g๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ฎ u x๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: โ€œHorumarka Soomaaliyaโ€.

Afur Diblomaasiyadeed: โ€œHorumarka Soomaaliyaโ€.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga โ€œHorumarka Soomaaliyaโ€, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka โ€SAWIRROโ€

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka โ€SAWIRROโ€

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In