Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine, oo xaruntiisu tahay magaalada Belgrade-Serbia, Mudane Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed.
Madaxweyne Zelenskyy waxa uu uga mahadceliyey Soomaaliya taageerada iyo isgarab taaga ay u fidisay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Ukraine, sidoo kale Soomaaliya ayaa waxaa ay dowr weyn ka qaadata had iyo jeerba hindisayaasha caalamiga ah ee lagu doonayo in dalka Ukraine uu helo nabad waarta.
Dhanka kale Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa si weyn u tilmaamay doorka iyo tayadda dadka Ukraine ee sareynta heerkooda qoonta, wax soo saarka, wadaninimadda iyo kaalinta uga jiraan dalalka iskood u halgama.
Danjiraha ayaa rajo weyn ka muujiyey in ay muhiim sii xoojinta iyo kor u qaadista iskaashiga dhanka gacansiga iyo Waxbarashada ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ukraine. Waxaa laga gaari doonaa heshiis sharciyeed oo laba geesoodka ah iyo si looga faa’iideysto fursadaha iskaashi ee dhinacyada kala duwan leh.
Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa u rajeeyey Danjiraha guul iyo horumar, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirkan cusub oo ku dhisnaan doonaan saaxiibtinimo, is ixtiraamka iyo wax wada qabsi balaaran oo u dhexeyn doona Soomaaliya iyo Ukraine.











