Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
10 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(RIYAD):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay shir doceed ay isugu yimaadeen Wasiirrada Dalxiiska ee Waddamada Afrika, iyadoo halkaas uu ka socdo Shirweynihii 26-aad ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Dalxiiska (UN Tourism General Assembly).

Wasiirka oo shirkaasi khudbad ka jeediyay ayaa xusay in adeegga dalxiiska ee Soomaaliya uu sameeyay dib u kabasho ballaaran, isagoo intaas raaciyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay qeyb ka noqoto hadafka Afrika ee hirgelinta adeeg dalxiis oo baraarre leh oo qaaraddu ay gaarto, iyadoo diiradda la saarayo dhowrista deegaanka, xoojinta aqoonta dalxiiska, iyo horumarinta dhaqaalaha bulshooyinka.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026

Sidoo kale, Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku xusay in haddii la doonayo in hormarin lagu sameeyo adeegga dalxiiska ee qaaradda, ay lagama maarmaan tahay in la fududeeyo shuruudaha isku socodka qaaradda dhexdeeda, sida fududeynta dal-ku-galka, xoojinta adeegyada duulimaadka, iyo is-dhexgalka bulshooyinka isaga tallaabaya xuduudaha si loo abuuro suuqyo cusub oo uu ku kobco adeegga dalxiiska ee qaaradda.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay maalgashiga dalxiiska, iyadoo taasi ka duuleysa ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya hirgelisay cilmi-baaris heer qaran ah oo la xiriirta arrimaha dalxiiska, taas oo salka ku haysa dib u soo nooleynta adeegga dalxiiska ee casriga ah, xoojinta adeegyada aqoonta iyo xirfadaha dalxiiska, iyo dib u soo nooleynta iyo casriyeynta goobaha dalxiiska ee dalka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh uga qeybgelaya Shirweynaha Guud ee 26-aad ee Ururka Dalxiiska Qaramada Midoobay, oo sannadkan ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taas oo noqoneysa markii ugu horreysay ee dalalka Khaliijka ay martigeliyaan shirkan.

Shirweynahan oo labadii sannaba mar la qabto, ayaa ku soo beegmaya sannad-guuradii 50-aad tan iyo markii la aasaasay Ururka Dalxiiska ee Qaramada Midoobay, iyadoo ajandaha laga doodi doono ay ka mid yihiin qorshaha iyo hiigsiga 50-ka sano ee soo socda ee horumarinta dalxiiska caalamka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Next Post

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta biraha Shubka ee dalkeenna

Next Post
Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta biraha Shubka ee dalkeenna

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta biraha Shubka ee dalkeenna

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In