Sunday, April 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 months ago
in Wararka
0
Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka qaybgalay kalfadhiga 7-aad kulankiisa shanaad. Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo uu wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Related posts

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

April 25, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah  la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

April 25, 2026

Ajendaha kulanka wuxuu ahaa akhrinta labaad ee xisaab-xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024. Warbixinta xisaab-xirka ayaa mudanayaasha uga soo bandhigay Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).

Kulanka kadib, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayaa cabbiray aragtiyadooda ku aaddan warbixinta xisaab-xirka, halka wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo goobta ku sugnaa, ay su’aalo iyo faahfaahin kala hureen.

Ugu dambayntii, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo kulanka soo xiray, ayaa faray guddiyada maaliyadda ee labada Aqal inay ku daraan doodaha iyo talooyinka Xildhibaanada, ayna soo diyaariyaan akhrinta saddexaad, si mar kale loogu soo celiyo golaha loona marsiiyo akhrinta kama dambaysta ah.

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Next Post
Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

April 25, 2026
0

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta we Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku qabatay kulan xarunta Safaaradda Soomaaliya kaas oo ay u...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah  la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

April 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa wadahadallo rasmi ah la yeeshay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Caleemo saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Caleemo saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi

April 25, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad dhaqan oo lagu caleemo-saarayay Ugaas Cabdirisaaq...

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

April 25, 2026
0

RADIO MUQISHO:-Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayo Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), oo ah ugaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In