Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa saaka magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Garsoorayaasha Soomaaliyeed, kaas oo socon doona muddo laba cisho ah.
Shirkan, oo saddexdii biloodba mar la qabto, waxaa diiradda lagu saarayaa baahiyaha garsoorayaasha, caqabadaha heysta, iyo horumarka laga gaaray arrimaha mudnaanta u leh bahda garsoorka.
Waxaa shirka ka qeybgalaya Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobollada iyo Rafcaanka, Garsoorka dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo garsoorayaal ka kala socda heerarka kala duwan ee dalka.










