Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 months ago
in Wararka
0
Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Faransiiska ayaa xalay ka hor caddeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM) mowqifkeeda ku aaddan inaysan ogolaaneyn in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) la kala gooyo. Dowladda Faransiiska ayaa arrintan ku tilmaamtay mid si toos ah u khalkhalgelinaysa midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

 

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Hadalkan ayay dowladdu ka sheegtay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka, kaas oo Soomaaliya codsatay si looga wada hadlo faragelinta dibadda iyo khatarta ay ku leedahay madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

 

Faransiiska ayaa caddeysay inay si dhab ah u garab taagan tahay JFS, isla markaana ay taageersan tahay dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxaha Khawaarijta, si loo xaqiijiyo nabadgelyada idalka Soomaliya.

 

Sidoo kale, Dowladda Faransiiska waxay ku boorisay beesha caalamka in la dhowro shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da ku saleysan madax-bannaanida dalalka, iyadoo si cad uga digtay tallaabo kasta oo dhaawacaysa xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka.

 

Faransiiska waxay mar kale xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageerada JFS, iyadoo caddeysay in midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay in la dhowro.

Previous Post

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Next Post

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Next Post
Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In