Guddiga Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Shacabka BFS ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada. Kulanka waxaa hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Xildhibaan Xuseen Xaaji Cali, waxaana sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO), khubaro ka tirsan Wasaaradda, iyo Xildhibaanada Guddiga.
Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Marwo Bashiir, ayaa guddoomisay kulanka. Oo looga hadlay Sharciga Saadaasha Hawada iyo Adeegga Cimillada, oo horyaalla Golaha Shacabka.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Xildhibaan Xuseen Xaaji Cali, ayaa ka bixiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan sharciga, isaga oo sharraxay marxaladihii uu soo maray, heerka uu haatan marayo, iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka, gaar ahaan ka hortagga iyo la-qabsiga saameynta isbeddelka cimillada.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay qodobada ku jira Sharciga Saadaasha Hawada iyo Adeegga Cimillada. Xildhibaanada Guddiga Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ayaa soo jeediyay su’aalo, talooyin iyo aragtiyo kala duwan, iyaga oo xoogga saaray sida sharcigu uga jawaabayo baahiyaha dhabta ah ee dalka, Sidoo kale, Xildhibaanadu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in sharcigu xoojiyo isku-duwidda hay’adaha dowladda, kor u qaado helitaanka xog sax ah oo ku saabsan saadaasha hawada, isla markaana uu fududeeyo gaarsiinta adeegyada cimillada ee bulshada, si gaar ah beeraleyda, xoola-dhaqatada iyo bulshooyinka nugul.
Dhanka kale, Madaxda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada iyo khubarada la socotay ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalaha iyo talooyinka Xildhibaanada, iyaga oo sharraxay qaab-dhismeedka sharciga, heerarka uu ku dhisan yahay, iyo sida uu ula jaanqaadayo heshiisyada iyo nidaamyada caalamiga ah ee la xiriira saadaasha hawada iyo adeegyada cimillada.
Ugu dambayn, doodda iyo is-weydaarsiga aragtiyeed ayaa ku dhammaaday is-afgarad ku saabsan dardargelinta, tayeynta iyo dhammaystirka sharciga, si loo hubiyo in uu noqdo mid waxtar leh, la jaanqaadaya marxaladda uu dalku marayo, isla markaana xoojiya adkaysiga iyo u diyaargarowga Soomaaliya ee saameynta isbeddelka cimillada.












