Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Daawada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 months ago
in Wararka
0
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Daawada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaallya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 25-aad, waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Guntanka kulanka ayaa ku furmay 142-Xildhibaan, waxaana Ajendaha kulanka uu ahaa Akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Hindise sharciyeedka Daawada oo ay soo diyaarisey wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, kaasoo uu gacanta ku hayey guddiga horrumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, waxaana guddiga oo mudanayaasha golaha la wadaagay warbixinta Akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada uu Xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Intaasi kaddib Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Daawada ayaa waxaa ogolaatay 141-Xildhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, wax diiday ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa Xildhibaannada Golaha uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka Daawada, waxayna sheegeen ansixintiisa ay kusoo aaday xili ay baahi weyn u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ka dooday Axdiga Xakameynta Tubaakada , waxaana Xildhibaannada ay ka doodeen qodobada Axdigan iyo sidoo kale dhibaatada ay Tubaakada ku heyso bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada, sidoo kalena ay muhiim tahay in siyaasad mideysan laga yeesho ka hortageeda.

Ugu dambeyn mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo qeybiyey warbixinta Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Amniga Seybarka Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta.

 

 

Previous Post

Wasaaradda Gaashaandigga XFS Oo War Kasoo Saartay Hawlgalladii Ugu Dambeeyay Ee Dalka Ka Dhacay

Next Post

Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

Next Post
Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra'iil

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In