Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo suurtagelisay hirgelintiisa buuxda isla markaana beddeshay heshiiskii aasaaska IGAD ee 1986-kii.
Tallaabadani waxay muujinaysaa ka-go’naanshaha Soomaaliya ee xoojinta iskaashiga goboleed, nabadda iyo horumarinta Geeska Afrika.












