Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
8 months ago
in Wararka
0
Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta, iyadoo hawlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidammada amniga lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa garabka maaliyadda iyo boobka hantida shacabka ee kooxda khawaarijta.

Hawlgalladan oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo jubadda dhaxe ayaa lagu beegsaday horjoogeyaal si gaar ah ugu lug lahaa ururinta baadda, dhaca hantida shacabka iyo maalgelinta falalka argagixiso ee ay kooxdu khawaarijtu ka waddo dalka.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Horjoogaha koowaad ayaa lagu magacaabi jiray Cabdillaahi Xasan, oo loo yaqaanay Cabdillaahi Wadaad, kaas oo lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Jubadda dhaxe. Ninkan ayaa ahaa horjooge u qaabilsanaa kooxda dhibaataynta iyo ka qaadista lacago baad ah shacabka ku dhaqan gobollo kala duwan oo uu uga soo hawlgalay Khawaarijta.

Horjoogaha labaad, Axmed Dhubad Xiddig oo loo yaqaanay Aadan Dheere, ayaa isna lagu dilay hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gaashaan, Hawlgalkan ayaa ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo uu ku dhuumaaleysanayay. Aadan Dheere ayaa ahaa horjoogihii u qaabilsanaa kooxda ururinta baadda iyo dhaqaalaha laga qaadi jiray shacabka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, hawlgal gaar ah ayaa lagu dilay Maxamed Sahal oo loo yaqaanay Abu Usama, kaas oo xilal kala duwan ka soo qabtay kooxda, oo ay ka mid ahaayeen waxa ay ugu yeeraan dabagalka maaliyadda iyo horjoogaha gobolka Shabeellaha Hoose, Waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha ugu dhow horjoogaha guud ee kooxda, Axmed Diiriye.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in hawlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo shabakadaha maaliyadeed ee kooxaha khawaarijta, si loo ciribtiro awooddooda dhaqaale loona badbaadiyo hantida iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Dowladda ayaa ku celisay baaq ay u dirtay shacabka Soomaaliyeed, kuna dhiirrigelisay inay la shaqeeyaan hayโ€™adaha amniga, si loo dardargeliyo ciribtirka kooxaha nabad diidka ah loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Previous Post

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Next Post

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Next Post
Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In