Friday, March 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 weeks ago
in Wararka
0
Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta, iyadoo hawlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidammada amniga lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa garabka maaliyadda iyo boobka hantida shacabka ee kooxda khawaarijta.

Hawlgalladan oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo jubadda dhaxe ayaa lagu beegsaday horjoogeyaal si gaar ah ugu lug lahaa ururinta baadda, dhaca hantida shacabka iyo maalgelinta falalka argagixiso ee ay kooxdu khawaarijtu ka waddo dalka.

Related posts

Madaxweyne Xasan  Sheekh oo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku maamuusay kulan afur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku maamuusay kulan afur

March 5, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 5, 2026

Horjoogaha koowaad ayaa lagu magacaabi jiray Cabdillaahi Xasan, oo loo yaqaanay Cabdillaahi Wadaad, kaas oo lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Jubadda dhaxe. Ninkan ayaa ahaa horjooge u qaabilsanaa kooxda dhibaataynta iyo ka qaadista lacago baad ah shacabka ku dhaqan gobollo kala duwan oo uu uga soo hawlgalay Khawaarijta.

Horjoogaha labaad, Axmed Dhubad Xiddig oo loo yaqaanay Aadan Dheere, ayaa isna lagu dilay hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gaashaan, Hawlgalkan ayaa ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo uu ku dhuumaaleysanayay. Aadan Dheere ayaa ahaa horjoogihii u qaabilsanaa kooxda ururinta baadda iyo dhaqaalaha laga qaadi jiray shacabka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, hawlgal gaar ah ayaa lagu dilay Maxamed Sahal oo loo yaqaanay Abu Usama, kaas oo xilal kala duwan ka soo qabtay kooxda, oo ay ka mid ahaayeen waxa ay ugu yeeraan dabagalka maaliyadda iyo horjoogaha gobolka Shabeellaha Hoose, Waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha ugu dhow horjoogaha guud ee kooxda, Axmed Diiriye.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in hawlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo shabakadaha maaliyadeed ee kooxaha khawaarijta, si loo ciribtiro awooddooda dhaqaale loona badbaadiyo hantida iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Dowladda ayaa ku celisay baaq ay u dirtay shacabka Soomaaliyeed, kuna dhiirrigelisay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo dardargeliyo ciribtirka kooxaha nabad diidka ah loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Previous Post

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Madaxweyne Xasan  Sheekh oo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku maamuusay kulan afur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku maamuusay kulan afur

March 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan af-fur ah ku maamuusay, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 5, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qeyb galay kulan afur ah oo lagu...

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

March 5, 2026
0

Danjire Ilyaas Cali Xasan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In