Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubyada 12-aad iyo 13-aad ee Dastuurka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubyada 12-aad iyo 13-aad ee Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 23-aad ee wadajirka ah, waxaana Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenada labada aqal.

Guntanka ama kooramka kulanka wadajirka ah ee maanta oo ku furmay 172-Xildhibaan oo labada aqal ah, waxa uu ajendihiisu ahaa dib u eegista dastuurka, marxaladda labaad, soo jeedimaha wax ka baddalka dastuurka gaar ahaan cutubka 12-aad oo ka hadlaya difaaca iyo amniga Qaranka iyo sidoo kale cutubka 13-aad oo ka hadlaya qodobo guud.

Related posts

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

June 28, 2026
Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

June 28, 2026

Intaasi ka dib Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dood xasaasi ah ka yeeshay qodobada labada cutub, waxaana waxyaabaha aad looga dooday ka mid ahaa qodobada ka hadlaya ciidamada qalabka sida.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyey ka doodista guud ahaan 13-ka cutub ee dastuurka, wuxuuna u mahadceliyey Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka dalka oo inta dooda cutubyada dastuurka ay socotay wakhti badan geliyey si wanaagsanna uga dooday qodobada cutubyada dastuurka iyo guddiga Baarlamaanka labadiisa aqal u qaabilsan dib u eegista iyo la socodka dastuurka iyo sidoo kale Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Previous Post

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo kormeeray dib u dhiska waddooyinka Dhuusamareeb

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wafdi heer sare ah oo ka socday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qayb galay shirkii...

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah...

Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo gaaray magaalada Caabudwaaq, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Ballidoogle

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Ballidoogle

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga, ayaa maanta booqasho...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In