๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐ ๐
๐๐ฎ ๐๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u soo dhoweynaysaa una hambalyaynaysaa shacabka Soomaaliyeed kadib markii ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ช๐๐ฅ ๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ฅ๐๐ฆ๐๐๐ง๐ค๐ ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ay ansixiyeen Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Goโaankan taariikhiga ah wuxuu soo gabagabaynayaa ๐ ๐๐๐๐๐ข-๐ฌ๐จ๐๐จ๐ ๐๐ข๐-๐ฎ-๐๐๐ ๐ข๐ฌ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐๐๐๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐๐๐จ ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ง ๐๐ ๐ฌ๐๐ง๐จ, tan iyo markii la meel mariyey Dastuurkii Ku-Meel-Gaarka ahaa ee 2012. Mudadaas waxaa la qabtay dadaallo siyaasadeed, sharci iyo farsamo oo ballaaran, iyo wadatashiyo qaran oo lala yeeshay dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowlada Federaalka, khubarada dastuurka, hayโadaha dowladda, bulshada rayidka ah, haweenka, dhalinyarada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Ansixinta Dastuurka waxay astaan u tahay horumar muhiim ah oo Soomaaliya ka gaartay dhismaha dowladnimada, iyadoo dalka laga saarayo marxaladdii dheerayd ee ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐ค๐ฎ-๐ฆ๐๐๐ฅ-๐ ๐๐๐ซ ๐๐ก loona gudbayo nidaam dastuur oo dhammaystiran oo hagaya dowladnimada, siyaasadda, iyo horumarinta qaranka.
๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐ ๐๐ข๐ซ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐๐๐๐ฆ๐ค๐ ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐
Muddo ka badan 14 toban sano, Soomaaliya waxay ku jirtay marxalad kala-guur ah oo lagu dhisayay nidaamka federaalka. Si kastaba ha ahaatee, ๐๐๐ช๐๐๐๐๐๐ก๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง ๐๐ ๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐๐๐ ๐ง๐๐ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐๐ญ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐ง๐ข๐๐๐๐ฆ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ฒ ๐๐ก๐๐๐ฒ๐๐๐ง ๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ ๐ฅ๐โ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐. Iyadoo Dastuurku ahaa mid ku-meel-gaar ah, qaar ka mid ah qodobbada aasaasiga ah ee nidaamka federaalkaโgaar ahaan ๐ช๐๐ฒ๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐ฐ๐จ๐จ๐๐๐ก๐, ๐ฐ๐๐๐ฃ๐ข๐๐๐๐๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐ฎ ๐๐ก๐๐ฑ๐๐๐ฒ๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐-๐ ๐จ๐๐จ๐ฅ๐๐๐๐ฒ๐๐๐ ๐ฑ๐ฎ๐๐ง๐๐ก๐ ๐ค๐ ๐๐ก ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ โma aysan helin qeexitaan buuxa oo la isku raacsan yahay.
Arrintani waxay sababtay in Soomaaliya muddo dheer ku sii jirto ๐ง๐ข๐๐๐๐ฆ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ค๐๐ฅ๐-๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐๐๐ง ๐ฐ๐๐ฅ๐ข ๐ฌ๐ข ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ญ๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐ง๐ข๐๐๐๐ฆ ๐๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐ฒ๐ง๐๐ฒ๐. Sidaas awgeed, Soomaaliya si buuxda ugama guurin nidaamkii ku dhisnaa dowlad dhexe oo ๐๐ฐ๐จ๐จ๐๐๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐๐ฒ๐ง ๐๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ฌ๐๐ง ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ฑ๐ una gudbin nidaam federaal oo si cad u qeexan.
Dhammeystirka Dastuurka ayaa sidaas darteed meesha ka saaraya mid ka mid ah caqabadihii ugu waaweynaa ee hortaagnaa hirgelinta nidaamka federaalka. Tani waxay Soomaaliya u suurtagelinaysaa:
โ in si buuxda loo dhammaystiro qaab-dhismeedka federaalka
โ in si cad loo qeexo awoodaha iyo waajibaadka heerarka kala duwan ee dowladda
โ in la xoojiyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada
โ in la dhiso hayโado dowladeed oo awood u leh bixinta adeegyada dadweynaha
โ iyo in dalka si dhab ah loogu gudbiyo ๐ง๐ข๐๐๐๐ฆ ๐๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐ฒ๐ง๐๐ฒ๐ ๐จ๐จ ๐ฐ๐๐ฑ๐ญ๐๐ซ ๐ฎ ๐ฅ๐๐ก ๐ฌ๐ก๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐.
Dastuur dhammaystiran ayaa sidoo kale muhiim u ah ๐๐ข๐-๐ฎ-๐ก๐๐๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐ก๐๐ฒโ๐๐๐๐ก๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐, maadaama hirgelinta nidaam amni oo qaran ay ku xirantahay caddeynta qaab-dhismeedka dowladeed iyo wadaaga awoodaha u dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda.
๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐
Horumarka dhaqaale iyo mid bulsho ee dalka wuxuu si toos ah ugu xiran yahay nidaam dowladeed oo cad oo lagu heshiiyey. Iyadoo aan si cad loo qeexin qaab-dhismeedka federaalka, awoodda dowladda ee ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ง๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐ก๐, ๐ฆ๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐, ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ก๐ ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ waxay ahaan lahayd mid xaddidan. Sidoo kale, haddii aan la qeexin awoodaha heerarka kala duwan ee dowladda, waxaa sii jiri kara khilaafaad siyaasadeed oo joogto ah, kala qaybsanaan siyaasadeed, iyo curyaannimo hayโadeed oo wiiqi karta wadajirka bulshada iyo dowladnimada dalka.
Dastuur dhammaystiran wuxuu sidaas darteed muhiim u yahay dhismaha ๐ฑ๐๐ฌ๐ข๐ฅ๐จ๐จ๐ง๐ข ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐, ๐ฐ๐๐๐๐ฃ๐ข๐ซ ๐ช๐๐ซ๐๐ง, ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฃ๐๐ฐ๐ข ๐ค๐ฎ ๐ก๐๐๐๐จ๐จ๐ง ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐.
๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐ ๐๐ข๐-๐ฎ-๐๐๐๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐๐๐๐ฆ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxay si gaar ah u xoojinaysaa in dastuurku yahay ๐๐ฌ๐๐๐ฌ๐ค๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ฌ๐๐ง ๐๐ ๐๐ข๐-๐ฎ-๐ก๐๐๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐ง๐ข๐๐๐๐ฆ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐.
Garsoor madax-bannaan, hufan oo wax ku ool ah laguma dhisi karo iyada oo aan la hayn dastuur si cad u qeexaya qaab-dhismeedka iyo awoodaha hayโadaha garsoorka.
Iyadoo aan dastuurka la dhammaystirin:
โ lama dhisi karo hayโadaha garsoorka ee muhiimka ah sida ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ฌ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐ (๐๐ข๐ ๐ก ๐๐ฎ๐๐ข๐๐ข๐๐ฅ ๐๐๐ซ๐ฏ๐ข๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐ฆ๐ข๐ฌ๐ฌ๐ข๐จ๐ง)
โ lama hirgelin karo ๐๐๐ฑ๐ค๐๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐ก
โ lama horumarin karo dib-u-habaynta sharciyada muhiimka ah
โ mana suurtageli karto ilaalinta madaxbannaanida garsoorka.
Nidaam garsoor oo shaqeynaya wuxuu u baahan yahay dastuur qeexaya sida hayโadaha garsoorka uga shaqeynayaan heerarka kala duwan ee dowladda, iyadoo si cad loo qeexayo awoodaha, waajibaadka, iyo xiriirka hayโadahaas.
Garsoor hufan oo madax-bannaan ayaa laf-dhabar u ah:
โ dowlad wanaagga
โ dimuqraadiyadda
โ ilaalinta xuquuqda aadanaha
โ Dhisida dhaqaalaha
โ iyo nabadda iyo amniga dalka
๐๐ข๐ฅ๐จ๐ฐ๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ฑ๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ข๐ซ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxay xoojinaysaa in ansixinta Baarlamaanka Federaalka ay tahay ๐ญ๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐๐จ ๐ญ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก, balse sidoo kale ay calaamad u tahay bilowga marxalad cusub oo ah ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐.
Hadda waxaa bilaabanaya dadaallada lagu xaqiijinayo:
โ hirgelinta qodobbada dastuurka
โ dhismaha hayโadaha dastuuriga ah
โ dhammaystirka nidaamka federaalka
โ xoojinta nidaamka garsoorka
โ iyo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan sharci, isla xisaabtan iyo adeeg dadweyne oo wax ku ool ah.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxay mar kale hambalyo u diraysaa shacabka Soomaaliyeed, waxayna u mahadcelinaysaa ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ช๐๐ฅ ๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ฅ๐๐ฆ๐๐๐ง๐ค๐ ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐, ๐๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐, ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐-๐ ๐จ๐๐จ๐ฅ๐๐๐๐ฒ๐๐๐ ๐ฑ๐ฎ๐๐ง๐๐ก๐ ๐ค๐ ๐๐ก ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐, ๐ค๐ก๐ฎ๐๐๐ซ๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ฌ๐๐ฆ๐๐๐, ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ง๐๐๐ฒ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ka qayb qaatay geeddi-socodkan qaran ee taariikhiga ah. Ansixinta Dastuurku waxay Soomaaliya u furaysaa waddo cusub oo lagu xaqiijinayo dowlad ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐๐๐๐ข ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ, ๐ง๐ข๐๐๐๐ฆ ๐๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐ฒ๐ง๐๐ฒ๐, ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐๐ซ๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ข๐ ๐.










