Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Hay’adda King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSRelief) oo ku guulaysatay qaliin casri ah oo lagu kala saaray mataano Soomaaliyeed oo isku dhaganaa (conjoined twins), kuwaas oo hore loogu qaaday Saudi Arabia kadib codsi rasmi ah oo ka yimid Wasaaradda Caafimaadka.

Mataanahan ayaa safarkooda daaweynta waxaa hore u sagootiyay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, iyadoo dadaal wadajir ah oo u dhexeeya labada dal uu suurta-geliyay qaliinkan muhiimka ah ee badbaadinta nolosha carruurtan.

Related posts

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026

Wasaaraddu waxay mahad gaar ah u jeedinaysaa Dr. Abdalla Al-Rabeeah, Kormeeraha Guud ee King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, oo hormuud u ahaa kooxda caafimaad ee fulisay qaliinkan taariikhiga ah, iyo dhammaan bahda caafimaadka ee dadaalka weyn gelisay badbaadinta nolosha carruurtan Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS waxay si qoto dheer ugu mahadcelinaysaa Dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan Hoggaanka Boqortooyada ee uu ugu horreeyo King Salman bin Abdulaziz Al Saud, taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed. Tallaabadan bani’aadantinimo waxay mar kale muujinaysaa xiriirka walaaltinimo, iskaashiga caafimaad, iyo garab istaagga joogtada ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan dhinacyada daryeelka caafimaadka iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Isbitaalka Xoogga ku booqday shacab Khawaarijtu dhibaateysay

Next Post
Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Isbitaalka Xoogga ku booqday shacab Khawaarijtu dhibaateysay

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In