Thursday, April 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Isbitaalka Xoogga ku booqday shacab Khawaarijtu dhibaateysay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Xoogga dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, (Jeneraal Khaalid) ayaa maanta booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed halkaas oo lagu dabiibayo dad shacab ah oo ay Khawaarijtu ku dhibaateeyeen deegaannada Mubaarak iyo Daarusalaam ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka la keenay isbitaalka oo u badan carruur iyo haween ayaa waxaa soo gaaray khasaare ka dhashay falalka arxan darrada ah ee Khawaarijta, iyadoo ay ku dhinteen 6 ruux halka ay ku dhaawacmeen 20 kale oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Xoogga Dalka.

Related posts

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

April 29, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

April 29, 2026

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa mid mid u booqday dadka dhaawaca ah, isagoo u muujiyay garab istaag iyo dhiirrigelin, sidoo kalena Alle uga baryay caafimaad degdeg ah.

Sidoo kale, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha, dhakhaatiirta iyo guud ahaan bahda caafimaadka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sida ay heeganka ugu yihiin u adeegidda shacabka iyo ciidankaba, isla markaana ay si isku mid ah ugu dadaalayaan badbaadinta nolosha dadka dhaawaca ah.

Previous Post

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

Next Post

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

Next Post
Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

April 29, 2026
0

Waxaa maanta Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, lagu qabtay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsanaa la-dagaallanka maandooriyaha, doodaas oo ay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

April 29, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka Taliyayaasha Talisyada Sirdoonka...

Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 

Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 

April 29, 2026
0

koofurgalbeed, waxaa ka socda hardan dimuquraadi ah oo aad u xoog badan kaas oo ay ku baratamayaan dhamaan daneeyayaasha Doorashooyinka...

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

April 29, 2026
0

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In