Tuesday, June 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo uu wehliyay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa kormeeray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaannada (Macawisleyda) ee ku sugan xerada Qorilow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Booqashada Guddoomiye Dr. Muungaab ee xerada Qorilow ayaa ku salaysnayd u kuur-gelidda xaaladda ay ku hawlgalaan ciidamada iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa, taasi oo qayb ka ah qorshaha Duqa Muqdisho ee taageeridda iyo ka-warqabka ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaaijta, maadaama ay laf-dhabar u yihiin difaaca amniga caasimadda Muqdisho.

Related posts

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku ammaanay ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaannada (Macawisleyda) sida geesinnimada leh oo ay naftooda ugu hureen badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Isbitaalka Xoogga ku booqday shacab Khawaarijtu dhibaateysay

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

Taliyaha Hay’adda NISA oo Balanballe ka dhagax dhigay saldhig cusub oo Hay’adda ah

Taliyaha Hay’adda NISA oo Balanballe ka dhagax dhigay saldhig cusub oo Hay’adda ah

June 30, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In