Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ƒ๐ž๐ž๐ช ๐‹๐š๐œ๐š๐ ๐ž๐ž๐ ๐ค๐ฎ ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ƒ๐ž๐ž๐ช ๐‹๐š๐œ๐š๐ ๐ž๐ž๐ ๐ค๐ฎ ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa maanta qabatay munaasabad lagu wareejinayay deeq lacageed 14,400 US Dollar oo ay iska soo uruuriyeen shaqaalaha hayโ€™adda, laguna wareejiyay dhallinyarada Ururka Daryeel Bulsho, oo ah urur si firfircoon uga shaqeeya gurmadka abaaraha iyo caawinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada adag. Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen biyo, cunto iyo gargaar degdeg ah.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Guddoomiyaha Hayโ€™adda Culimada Soomaaliyeed oo ka qayb galay munaasabadda ayaa booriyay in ay muhiim tahay in ummadda Soomaaliyeed is caawiso oo ay isku garab istaagto marka ay timaado xaaladaha adag sida abaaraha.

Related posts

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026

Dhankiisa, Guddoomiyaha Ururka Daryeel Bulsho Maxamed Cali Siyad (Champion) ayaa sheegay in Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay noqotay hayโ€™addii dowladeed ee ugu horreysay ee ka soo jawaabta baaqooda gurmadka, isagoo uga mahadceliyay dareenka iyo kaalinta ay qaateen shaqaalaha hayโ€™adda.

Sidoo kale, Cismaan Muxiyadiin Shaatax, Guddoomiyaha Daladda Ururrada Bulshada Rayidka, ayaa muujiyay mahadcelin ballaaran oo uu u jeediyay hayโ€™adda, isagoo tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid dhiirrigelin u noqon karta hayโ€™adaha kale si ay uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa ku dhiirrigeliyay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay sii wadaan doorkooda ku aaddan howlaha samafalka iyo taageeridda bulshada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay tahay wax laga naxo in maanta ay jiraan dad Soomaaliyeed oo biyo laโ€™aan u dhimanaya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed qaataan masuuliyadda ka saaran garab istaagga walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen, isla markaana ay xoojiyaan dadaallada gurmadka.

Previous Post

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Next Post
Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,...

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In