Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Azerbaijan, Mudane Jeyhun Bayramov.
Wasiirka ayaa Wadahadalkaas ku muujiyay garab-istaagga Soomaaliya ee ku aaddan weerarkii dhawaan lagu qaaday Azerbaijan, isaga oo sidoo kale adkeeyay taageerada Soomaaliya ee nabadda, madaxbannaanida dalalka, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah.











