Thursday, May 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb. Tallaabadan muhiimka ah waxaa si diirran u soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed ee dalkaasi Finland, maadaama la filayo inay fududeyn doonto helitaanka adeegyada kala duwan ee safaaradda ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Imaanshaha safiirka Soomaaliya ee Finland waxay muujinaysaa bilow cusub oo u furmaya bulshada Soomaaliyeed, iyadoo sahleysa xiriirka iyo wada shaqeynta safaaradda, isla markaana meesha ka saaraysa caqabado badan oo horay u haystay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Related posts

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

May 14, 2026
Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

May 13, 2026

Munaasabad kooban oo ka dhacaday madaxtooyada dalka Finland ayuu Madaxweyne Stubb si rasmi ah u aqbalay waraaqaha aqoonsiga safiirka, taasoo noqoneysa markii ugu horreysay ee Soomaaliya safiir u magacowdo Finland.

Dhanka kale, Ururka Midnimada Bulshada Soomaaliyeed ayaa qabtay kulan soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay safiirka xarunta Somaliliitto, halkaas oo Safiir Cabdikarin uu kula hadlay hoggaamiyeyaasha bulshada, oo ay ka mid ahaayeen odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, aqoonyahannada, iyo qaar ka mid ah xubnaha goleyaasha deegaanka ee Helsinki iyo Vanta.

Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Next Post
Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

May 14, 2026
0

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay u dhaceen doorashooyinka isku...

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

May 13, 2026
0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeeray qeybaha...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga...

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

May 12, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In