Saturday, June 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 hours ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah kula qaatay, saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka dhaqanka deegaanka, kuwaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan deegaanada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dhageystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta iyo sugidda amniga ayaa ku bogaadiyay sida ay mas’uuliyadda culus isaga saareen in natiijooyin muuqdo laga gaaro dagaalka ka dhanka argagixisada, ilaalinta nabad-galyada iyo garab-istaagga bulshada ku dhaqan deegaanada ay ka howl galaan.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

June 13, 2026
Taliyaha Taliska Tababarrada CXDS oo tababar dalka Rwanda ugu soo xiray Saraakiil Ciidan

Taliyaha Taliska Tababarrada CXDS oo tababar dalka Rwanda ugu soo xiray Saraakiil Ciidan

June 13, 2026

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Odayaasha dhaqanka deegaaanada Hirshabeelle kala hadlay sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen hirgalinta doorashooyinka loo dhanyahay ee dhowaan ka qabsoomaya deegaanka, xoojinta geeddi socodka dimuquraadiyeynta dalka iyo adkeynta dowladnimada, isaga oo ku amaanay doorkooda wax ku oolka ah ee hoggaanka dhaqanka deegaanku ku leeyihiin nabadda, horumarka, midnimada iyo dhismaha dowladnimada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kormeeray Xarunta Golaha Wakiilada Hirshabeelle, iyadoo uu gabogabo marayo dhismaha xarunta Golaha Wakiilada.

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wafdi...

Taliyaha Taliska Tababarrada CXDS oo tababar dalka Rwanda ugu soo xiray Saraakiil Ciidan

Taliyaha Taliska Tababarrada CXDS oo tababar dalka Rwanda ugu soo xiray Saraakiil Ciidan

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Taliska Tababarrada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Axmed Ciise Axmed, ayaa dalka Rwanda tababar ugu soo xiray...

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In