Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 23 June, 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku dhaweeyey Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Nasr Maxamed Al-Sanusi, oo booqasho isbarasho ah ku yimid Wasaaradda Warfaafinta.

Ugu horeyn, Wasiir Cabdifitaax ayaa safiirka soo tusay waxyaha kala duwan ee Wasaaradda, gaar ahaan Warbaahinta Qaranka SNTV, Radio Muqdisho, Wakaaladda SONNA, Wargeyska Dalka iyo Keydka Qaranka ee Radio Muqdisho.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Kormeer kadib, Wasiirka ayaa Safiirka la yeeshay kulanka xambaarsanaa hambalyo iyo isbarasho, iyadoo Danjire Al-Sanusi uu Wasiir Cabdifitaax Qaasim u soo gudbiyay hambalyo la xiriirta la wareegistiisa xilka cusub, una rajeeyay in guul iyo horumar uu ku hoggaamiyo wasaaradda, si ay u gaarto himilooyinkeeda istaraatiijiga ah ee Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarinta iskaashiga hay’adaha, is-dhaafsiga khibradaha iyo waaya-aragnimada, si loo adkeeyo xiriirka laba geesoodka ah, loona hormariyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Liibiya.

Ugu dambeyntii, Wasiirka iyo Safiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo isku-duwidda arrimaha la xiriira Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo taariikhda soo jireenka ah ee ka dhaxeysa labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Libya.

Previous Post

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In