Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda 26-ka Juun ee sannad-guurada 66-aad u direy shacab weynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

.Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeybgalayay munaasabadda xuska 66 guurada maalinta xorninada qaateen Gobolada Waqooyi ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalin ku weyn taariikhda Soomaaliyeed, maadaama ay astaan u tahay halgankii dheeraa ee loo maray gobanimada, midnimada, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in ay yeeshaan dowlad xor ah oo madax-bannaan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in geesiyaashii naftooda u huray xorriyadda dalka ay waajib ku tahay jiilasha maanta ilaalinta halgankii ay u dhinteen oo ahaa Soomaaliya mid ah wadajirta iyo in la xoojiyo nabadda, horumarka iyo xasilloonmida dalkeenna.

“Caawa oo kale waa habeen qiimo gaar ah ku leh xasuusta shacabka Soomaaliyeed, waanna habeen aynu ku xasuusanno geesiyaashii iyo halgamayaashii naftooda u huray sidii ay ummaddeennu u heli lahayd xorriyad iyo karaamo. Waxa ina saaran masuuliyad ah in aynu ilaalinno midnimada, wadajirka iyo dowladnimada dalkeenna, si joolasha soo socda ay ugu noolaadaan Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo ka hanaqaadda himilooyinkii ay u soo halgameen aabbayaasheen iyo hooyooyinkeen”. Ayuu yiri Ra;iisul Wasaare Xamsa Cabdi Baare.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan wadajirka Qaranka, difaaca madax-bannaanida dalka iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo Soomaaliya nabdoon, xasilloon oo horumarsan.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa u mahdceliyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, hoggaamintiisii wanaagsanayd, isaga oo ku bogaadiyey doorkiisa ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhowaan ka qabsoomi doonta dowlad-goboleedka Galmudug.

Munaasabadda kadib, Ra’iisul Wasaaraha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee u xil-saaran maamuuska Calanka.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee...

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In