Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 months ago
in Wararka
0
DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay colaadda ka socota deegaanka Aricadeeye, taas oo dhex martay laba beelood oo walaalo ah, sababtayna khasaare nafeed.

Wasaaraddu waxay cambaaraynaysaa falalka gacan ka hadalka ah ee sababay dhimasho iyo dhaawaca dadka rayidka ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda, iyadoo dhinacyada ay khusayso loogu baaqayo inay ka horumariyaan nabadda, wada noolaanshaha iyo ilaalinta Xasiloonida shacabka.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Waxgaradka deegaanka iyo dhammaan masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari inay door muuqda ka qaataan dejinta xiisadda colaadeed, xoojinta wada hadalka iyo raadinta xal nabadeed oo waara si looga hortago in colaaddani sii fiddo.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay Alle SWT uga baryaysaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo dhammaan intii ku geeriyootay dhacdadan murugada leh, dhaawacyadana u boogo-dhayo, shacabka ay dhibaatadu saameysayna ka dulqaado xaaladda murugsan.

Previous Post

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In