Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga Ganfuda ee magaalada Banghaasi, halkaas oo ay kula kulmeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiga. Guddiga waxaa hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Commissioner Maxamed Haaruun Maxamuud, waxaana ku wehliyay Commissioner Cali Maxamed Cilmi.
Booqashada waxaa ku wehliyay Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadaha Shacabka ee Liibiya, waxaana si diirran loogu soo dhoweeyay xabsiga. Masuuliyiinta ayaa la kulmay maamulka xabsiga, halkaas oo ay ku xiran yihiin 70 dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo 8 ka mid ahi yihiin haween, iyadoo mid ka mid ah haweenkaas ay la joogto ilmo saddex jir ah.
Kadib warbixintii ay bixiyeen masuuliyiinta xabsigu, guddigu waxay wareysteen qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee halkaas ku xiran si ay uga xog wareystaan xaaladdooda.
Jeneraal Saalax Maxamuud oo ah Madaxa La-dagaallanka Socdaalka Sharci-darrada ah, iyo masuuliyiin kale ayaa sheegay in ku dhawaad 300 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku jiraan xabsiyada Bariga iyo Koonfurta Liibiya, kuwaas oo 70 ka mid ahi ku xiran yihiin Xabsiga Ganfuda.
Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadaha Shacabka ee Liibiya ayaa ballanqaaday inay sii wadi doonaan dabagalka xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed, isla markaana warbixin joogto ah la wadaagi doonaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale gaaray is-afgarad ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta mustaqbalka ee u dhexeeya Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadaha Shacabka ee Liibiya.










